Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SOOMAALIYA
Ciidamada Shaati guduud oo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo


 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


A. D. | weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

Agoosto 2, 2002 

Ciidamada daacadda u ah madaxweynaha dawlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Col. Maxamed Nuur Shati Guduud, ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gabi ahaanba magaalada Baydhabo.

Dagaal mar kale dhex maray ciidamada Shaati Guduud iyo labada nin ee ka soo horjeeda Shiikh aadan Madoobe Iyo Xaabsade, ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaanba laga sifeeyey magaalada Baydhabo, warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in la arkayay ciidamada shiikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade oo u cararaya dhinaca Diinsoor.

Dagaalkan maanta dhacay ayaa wuxuu ka danbeeyey ka dib markii la sheegay inay gabi ahaanba burbureen waan waantii laga dhex waday nimanka imminka isku hirdinaya gacan ku haynta gobolka Bay iyo waliba Bakool. Danjire Shariif Saalax iyo Cali Marguus oo ahaa ragga ugu cad cad ee nabadaynta waday ayaa iyagu ku eedeeyay Shaati Guduud inuu yahay midka iminka mas'uulka ka ah dagaalkan ka soo cusboonaaday magaalada Baydhabo, Danjire Shariif Saalax oo isagu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa muujiyey sida uu uga raja dhigay in xabad joojin laka dhex dhigo qolooyinka ku diriraya deegaankaas. 

Magaaladda Baydhabo ayaa xaaladeedu kacsan tahay waxaana la xiray dhamaanba goobihii ganacsiga ee magaalada Baydhabo iyadoo waliba ay halkaas horey uga bexeen hay'adihii samafalka oo iyagu dhowaan ka hawl galayey gobolka Bay Iyo Bakool.

Ma jiraan ilaa iyo hadda warar dheerad ah oo ka soo baxaya dagaalkaas dhacay maanta oo sharaxaya inta qasaaruhu leegyahay, sidoo kale ma jiraan warar ka soo baxay labada dhinac ilaa iyo hadda oo ay qeexayaan wixii maanta dhacay.

Guushan uu gaaray Shaati guduud ayaa lagu macneeyey inay ka danbaysay ka dib markii ay rasaastu ka go'day kuwa ka soo horjeeda, si walbaba ha ahaatee, lama saadaalin karo halka ay ku danbayn doonto xaaladda Baydhabo, iyadoo la sheegayo inay baabuur rasaas ah oo ka soo ambabaxday Itoobiya ay ku soo fool leedahay ciidamda Xaabsade iyo Shiikh Aadan Madobe oo beryahan danbe ay isku jaal yihii dawladda dalka Itoobiya.

Baydhabo oo loogu yeeri jiray in mudaa Baydhabo Janaay kuna naaloonaysay nabad iyo barwaaqo ayaa hadda waxay noqotay meel daris u ah rasaasta nool nool ee ay is dhaafsanyaan raga ku loolamaya maamulka goboladaas oo iyaga naftirkodu horey ugu midaysnaa ururka RRA.

Qaar ka mida dadka deegaankaas ku dhaqan oo iyagu ka madax bannaan siyaasadda ayaa sheegaya in khilaafkani uu yahay mid ay ka danbayso dawlada dalka Itoobiya oo iyadu hadda doonaysa inuu meesha ka baxo Shaati Guduud. si ay u abuurto rag kale oo u firfircoon.

Mogadishu Weekly Reporter A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com 

 SomaliTalk.com | August 2, 2002
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

###

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7
C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI
....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI. 
July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN:
Billada iyo Ra'yiga


Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada 


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.