Walaalayaal, sida aad la wada socotaan waxaa dalka
Holland lagu qabanaayaa Shirweynaha 2aad ee Ururka Horumarinta
Gobolka Jubbada Hoose ama dadka Reer-Waamo ee ku beegan
taariikhdu markay tahay 2-4 bisha Ogoosto 2002.
Haddaba, haddii aynu nahay Guddiga Qabanqaabada
iyo marti gelinta Jaaliyadda Gobolka Jubbada Hoose ee deggan dalka
Holland, waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan oo leh
gacaltooyo, walaaltinimo, jacayl iyo xiiso badan oo aan u qabnno in
aan wada kullanno si aan uga wada hadalnno xaaladda ay ku sugan
yihiin dadkeenna iyo deegaankeennaba.
Walaalayaal, waxaa hubaal ah maalin ka mid ah
maalmaha Eebbe in aan ku kullmi doonno magaallo-madaxda Gobolka
Jubbada Hoose ee KISMAAYO, haddii Alle idmo ayadoo dadkii
deegaanka lahaa ay dib ugu soo laabteen. Waxaase marka hore
loo baahan yahay in la xoojiyo midnimadeenna, wada tashigeenna iyo
wax wada qabsigeenna. Waxaa kaloo lagamar maan ah in aan iska
ilaalinno markasta kuwa doonaaya in ay noo kala saaraan qayb qayb
iyo qabiil qabiil ee ujeeddo kale leh.
Walaalayaal, dadka Reer-Waamo ama dadka
Gobolka Jubbada Hoose wada degga waa dad walaallo ah, Soomaali
ah, dhaqan iyo diinba wadaaga uma baahnna maantay in loo kala
saarro koox koox iyo reer reerba, waxaannu leenahay way
dhammaatay wixii hore ee boobka iyo dhaca lahaa, waxay maantay
taagan tahay qof walba in uu u tashado deegaankiisa iyo wixii uu u
qaban lahaa dadkiisa. Sidaa darteed walaalayaal, hablaha iyo
hooyooyinka, dhallinyarada iyo aabayaasha iyo dhammaanba dadka
Gobolka Jubbada Hoose ee deggan dalkan Holland waxay idin leeyihiin
ku soo dhawaada Shirweynaha 2aad ee Taariikhiga ah ee lagu qaban
doonno magaalada Rotterdam 2-4 Bisha Ogosto sannadkan 2002.
Waxaa xusid mudan sannadkan oo ku soo beegan sannadguuradii
50aad ee ka soo wareegtay Hanoolatadii ka dhacday Kismaayo
1952dii, oo ahayd taariikh bal dahaba ka taala taariikhda Ummadda
Soomaaliyeed. Waxay ahyd maalmo jab iyo hoog uu ka raacay
gumeysigii dalka haystay. Waxaa isweydiin leh yaa taariikhdaasi u
garanaaya ama u og dadka Gobolka Jubbada Hoose? Nasiib darro
waxay tahay maanta dadkii halgaankaasi u soo maray dalkoodii
xuriyadiina dhaliyay in iyaga iyo caruurtoodaba inta loogu yimid
Gobolkoodii loo geystay ;
boob, dil, kufsi, dhac iyo iyagoo laga barakiciyay deegaankoodii. Waa
dadnimo xumo iyo qiimo darro.
Haddaba shirweynahani waxaa ka soo
qayb geli doona rag iyo haween goob joog u ahaa dhacdadaasi
taariikhiga ah.Waxaa looga hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa
xaaladaha siyaasadeed,dhaqaale, nabadgeliyo iyo difaaca ee ku wajahan
Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa run ah inta dadka Gobolka J/Hoose &
Gobollada kaleba ay dadkooda xeryo qoxooti ah ku jiraan ama
deegaankooda laga haysto marnaba ayan suurta gal noqonayn in la helo
dowladnimo loo dhan yahay ama dhismo qaranimo Soomaaliyeed.
NIN GARDARAN MA GUULAYSTO, ALLENA MA GARGAARO
Wabilaahi Towfiiq.
= Maxamed Maxamuud Alore=
Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada
iyo Marti gelinta Shirweynaha 2aad.
Tel: 0031-612828252
Tel: 0031-104813293
E-mail: Alore60@yahoo.com
E-mail: UHGJHOOSE@hotmail.com