Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

IQRA  WAXAY  U TIMI

IN AY  AADANUHU    BARTAAN.

Odayga Suugaanta Mudane Sangub.

qalinjebin Eeg Sawirka oo Weyn
Abukar Ahmed Ahmed Abukar / Eeg Sawirka oo weyn  
Dalmar Eeg Sawirka oo Weyn
Abaalmarin Eeg Sawirka oo Weyn
Deriye Eeg Sawirka oo Weyn
Akhyaareey maalin Wanaagsan! Kani waa sheriifOsman! Barnamijkuna waa kii qalinjebinta! Waxaan galabta isu soo maray xarumo badan kuwan oo ay ka qalin jebinayeen arday Soomaaliyeed oo farabadan dugsiyada sare ee Dalkan Maraykanka gaar ahaan Gobolkan Minnesota, kan oo lagu tilmaamo in uu yahay imika kan ugu badan ee ay Soomaalida degan dalkan Maraykanku degan yihiin….

Soomaalida degan gobolkan ayaa lagu qiyaasaa ilaa iyo sideetan kun oo qof oo Soomaali ah, Somaalida gobolkan ayaa si aan caadi ahayn oga muuqata dhamaan xarumaha ay bulshawaynta gobolku ku kulanto, hadii markaa ay noqon lahayd kuwa waxbarashada, shaqada, iyo weliba meelaha markaa muhimada u leh dadka e waqtiyada hagaagsan lagu qaato sida Maktabadaha, carwooyinka Iwm.

Dadka Soomaaliyeed ee Gobolkan ayaan marnaba lagu eedayn karin sida ay qabaan dad badan oo reer Minnesota ah, haba yaraatee wax dadaal xumo ama dhibaato ah tan oo ay u gaysteen dadka ay markaa Jaalka yihiin ee Gobolkan ama hadii aan si guud u iraahdo Maraykanka oo idil, sidaasoo kalaa dad badan oo iyaguna u dhashay dalkan Maraykanku sheegaan in ay Soomaalidu yihiin dad aad iyo aad u firfircoon, xataa ay qaar badanu jeclaysteen in ay bal Soomaalidu halka ay ka yimaadeen wax ka gartaan ama bartaan

 Wardere Maxamuud N Wardere. Guul Baynu Joognaaye, dadaalka Maandhooyinoow  halkiina kasii wada, Hambalyo..
Fartuun Nuur Eeg Sawirka oo Weyn
Illaahay baa Wayn.JPG (435604 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn  

Qaar Ka mid ah waalidiinta aradyda


Macalim Maxamed Xassan Furitaankii xaflada.JPG (489427 bytes) Macalim Maxamed Xassan Furitaankii xaflada
Maryan Maxamuud Wardheere.JPG (23167 bytes) Maryan Maxamuud Wardheere
Nagi Cabdulaahi Sangub.JPG (501479 bytes) Nagi Cabdulaahi Ardayadii Labaad ee Sanad Dugsiyeedkii 2000 R.H.School
Police-ka Minnespolis oo ku geedaaman Xarumuihii Xaflada lagu dhigayay.JPG (519396 bytes) Police-ka Minneapolis oo Gaar Adag ku jirey
Omar ,Diriyeand gesosod.jpg (41689 bytes) Cumar, Diriiye, iyo Geesood
Pre 022.JPG (33739 bytes) Arday Ka Qalin Jebiyay Xanaanada Caruurta
Roos 001.JPG (456124 bytes) Sadiiq Iyo Saaxiibkii
Pre 0262.JPG (29314 bytes) Gabadh Yar oo Iyana Qalin jebisay
Pre o20.JPG (40878 bytes) Gabadh Yar oo Iyana Qalin jebisay  
Roos 005.JPG (440588 bytes) Eeg Sawirkan Oo Wayn

Sidoo kale dad badan oo weliba Soomaali u badan ayaa iswaydiiya sababta hadii ay Soomaalidu agab leeyihiin ay ugu dhacday dhibaatada qarada wayn ee ku habsatay dalkooda, arintan ayaa gooni u ah in ay si joogta ah isu waydiiyaan dadka iyagu u dhashay Soomaalida, taa waxaan marar badan is iraahdaa aniga qudhaydu tanu shoow jawaab ma leh! Hadana mar kale is iraahdaa sidaa ma ahane amaan inaga un isu darannahay oo dadka kale weliba ajaanibtu ha u badnaadaane aan u roonnahay! Waa yartahay inta uu ruux Soomaali ahi uu xumeeyo ama uu wax tari waayo xataa hadu arko isagii oo dhibaataysan rux ajnabi ah, walaalkiisa Soomaaliga ahna waxaa laga yaabaa in uu ku yiraahdo waar waan ku diliye Ashahaado!…..

“Marna madaxayga waa ay geli waysay Soomaalidu sida ay yihiin, marka laga akhriyo dhan walba, hadii ay noqon lahayd dhaqanka iyo hidaha facawayn ee ay leeyihiin, ama sida ay isugu xidhan yihiin ee ay qooys keliya u yihiin inta aysan jirin wax nafci, dhaqaale ama Jaah leh oo dhexdooda yaala”. Sidan waxaa ku waramay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare ee Roosevelt mar uu lahadlayay Ardayda Dugsiga oo doonayay in ay bal wax ka ogaadan Dhaqanka Soomalida iyo sida ay u noolyihiin.

Waxba yuusan hadalku ila baxsane waxaa dhawaanahanba socday xaflado gaagaaban kuwan oo loogu dabaal degayay Qalinjebinta ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo Sare. Kuwan oo ay ardayda Soomaaliyeed hormuud u ahaayeen mid ka mid ah sanadihii lasoo dhaafay kadib markii Nagi Cabdulaahi Maxamed oo ardayad ka ahayd Dugsiga sare ee roosevelt ay gashay qofka labaad ee Dugsiga oo dhan “Ardaydan oo kale ayaan lagu arag labadii sano ee ugu dambaysay arday noocooda oo kale ah oo guushan oo kale usoo hoya Jaaliyadaha ay ka yimaadeen, Al-xamdulilaahi waan ku farxsanahay dadaalkan, welina kama daali doono in aan sii wadno dadaalka noocan amaba aan laba jibaarno “Sidan waxaa ardayda edison kula hadlay Ayaan oo iyadu ardayad ka ah isla dugsigaa.

Waxaan hadaba ka qayb galay mid ka mid ahayd xafladahaa gaagaaban ee aan soo sheegay, tan oo lagu qabtay Dugsiga sare ee Roosevelt, xafladan waxaa kasoo qayb galay macalimiin badan oo Dugsiyo kala duwan ka socday, iyo weliba abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdulaahi Sangub oo halkaa ka tiriyay gabayo isugu jiray guubaabo iyo ku dhiirigelinta dhaliinyaraada cusub barashada Af-Soomaaliga.

Sangub oo aad loo jeclasytay gabayadiisaa ayaa markeliya intuu labada dhinac dhugtay yiri “Horta yaanan iska burqanine ma I fahmaysaan, oo waxaan ku hadlayaa ma idin gelayaan?”. Waxa kaloo uu waydiiyay Sangub Ardaydii halkaa isugu timi su’aal la xidhiidhay Af-keena hooyo ee qaniga ah, hadiise uu su’aashii soo jeediyay Sangub cid ka hoos qaaday ma uusan helin tanoo buu yidhi igu dhalinaysa Niyadjab iyo welwel wayn oo aan u qabo sidii aad u ilaalin lahaydeen dhaqankiina Suuban ee diinta laga miidhay.

Waxaa kaloo uu Sangub oga sheekeeyay Dhaliinyardii halkaa isugu timi oo uu adeegsanayay goortii uu la hadlayay magaca “TEENAGE”, dhaqan xumada uu qaar iyaga ka mid ah ku arkay goorta ay magaalada u daadegaan, “Mid baad arki Quruxdeeda iyo sida Illaahay u qoray aad la yaabto, oo calooshii dibada soo dhigtay, ama wejigeedii qurxoonaa biro iyo qadhaabado ku xidhxidhay, war adeerayaaloow waxaasu waa ceeb ee inaga daaya”. Mar uu kala hadlay ardaydaa arin la xidhiidha mustaqbalkooda waxa uu Sangub yidhi “Hada waxaad dhamayseen waxbarashadii Dugsiga Sare, ogaada hada waxba ma aydnaan baran. Waxbarashadii runta ahady hada ayay idiin bilaabanaysaa. Ha ka tegina ee aada waxbarashada Kuliyadaha sare ee Dalka, hadii aydnaan sidaa yeelina waa ay adkaan doontaa in aad noqotaan dad waxbartay, ama xataa haya xoogaagii yaraa ee ay ka faa’iidaysteen Dugsiyada Sare. Qaarkiina isaga taga ama kuwiina isaga tegi doona ee ku fekiraya in ay shaqaystaan, lacagta aad ku hamiyayso mid ka bdan baad heli doontaa ee waxba ha degdegin wax baro iinshaa allah, lacag samee oo guurso waa hamiga intiina badan ku jira, haday dhaliinyarooy taasi dhacdo isku daya in aad Xajisaan oo aydnaan si fudud usii daynin hoowshaa hagaagsan waa Guurka e’…Waayo beryahan dambe waxaad maqasheen wax loogu yeeray SINGLE MOTHER! Waaban yaabaye Horta SINGLE MOTHER waa maxay?…

Maaweelo waano iyo tusaalayn isugu jirtay kadib ayaa lagu soo dhaweeyay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare ee Roosevelt, Maamuluhu waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “Eray English ah oo uu waydiiyay Ardayda. Eraygaas oo ay ardaydu macnayaal badan u sameeyeen, jiijiid dheer oo eraygaa loo gaystay kadib waxaa la isku raacay in uu macnihiisu ahaa wax ka baxsan waxa banii’aadamka awoodiisa ah, ama wax aan caadi ahay, “Waxaa idin la hadlay dad ka waawayn in la tilmaamo, oo macalimiin leh, Suugaan yahanno leh, nooc walba isugu jira, anigu sida runta ah Af-ka Soomaaliga kuma hadlo, hadana aad baan ugu raaxaysanayay Suugaantii afkiisa ka deganaysay Mudane Sangub! Mahadsanid Yaakhay Sangub!” Aad baa loola yaabay sida uu usoo boobay eraygaa “Mahadsanid Yaakhay”, oo uu islamarkaana ugu soo daray Af-kii Ingiriisida ee ku hadlayay!

Intaa kadib waxaa hadalkii la waregay qaar ka mid ah dhaliinyarada Dugsiga dhigata oo
Roos Eeg Sawirka Oo Wayn  
Macalin Mahadsanid. Maandhoow Guulasyo....Hambalyo..JPG (514142 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn
ardayda qalin jebinayay usoo diyaariyay Shahaadooyin, kuwan oo ay kala jeedeen mahadnaq ku jeeda howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay dhiganayen Dugsiga Sare ee Roosevelt, waqtigaa oo ay sheegeen ardaydii shahaadooyinkaa bixinayay in ay aad usaacideeyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee iyagu ku jira fasalada ka hooseeya kuwaa imika ay ka qalinjebinayay.

Dhaliinyardii shahaadooyinkaa la siiyay waxaa ka mid ah Saciido Anas, Sadiiq madaxa ardayda Soomaalida ee Roosevelt, Sulayman Cumar, Cosob Maxamed, Fartuun Nuur iyo Khadra Cali.

Sidoo waxaa iyaguna halkaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah maaclimiinta Dugsiga sare ee Roosevelt oo ugu horeeyo Maamulaha dugsiga Mr.Mike Haerth, Maxamed Cusman, Xassan Aways, Cabdulaahi Cilmi, Axmed Nuur, Khadiija Cilmi, Maxamed Cusman.

Halkaa waxa kaloo isaguna ka hadlay macalin Maxamed Xassan, o u sheegay in ay tahay in ay Dhaliinyaradu waxbarato si markaa ay mustaqbalka oga shaqeeyaan sidii ay u midayn lahaayeen beeshooda Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan, hadaladii uujeediyay oo ay xamaasadi ka muuqatay ayaa ka mid ahaa “War adeerayaaloow wax hala barto oo halaga shaqeeyo sidii aad mid keliya u noqon lahaydeen, waan filayaa kuwa badan oo idin ku jira in aan u sheegay Sheekada Odaygii caruurtiisa oga sheekeeyay Midnimada qiimaha ay leedahay, ee intuu Ulaha isku duubay ku yiri caruurtii jebiya, goortii ay jebin waayeena, ugu dhiibay xabadxabad ilaa ay markii dambe u fududaatay in ay xabadxabad u jebiyaan, adeerayaaloow midnimaduna waa ay adagtahay, kala taga iyo tafaraaruqana waa baaba’eena ee inaga jira, daadala Ilaahayna ha idin la jiro! waad mahadsantihiin.

Qalinjebin Ardayad Qalinjebinaysa oo Macalimadeeda Sagootiyaysa
Roos 009.JPG (550595 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn

Qaybihii dambe ee xafladahaa waxaa ay ka dhacayeen dhamaan dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee gobolka, inkasta oo dugisyada ay ugu badan yihiin Soomaalida un ay ahaayeen kuwii aan soo maray ama aan xafladahooda ka qayb galay, hadana intaa waa ay ka badnaayeen ardaydii Soomaaliyeed ee ka qalin jebinayay xarumaha waxbarshada ee gobolkan sida aan horay usoo sheegayba.

Kuwii ugu badnaa ee aan xadiray waa Qalinjebintii Ardayda Soomaaliyeede waxa ay ahaayeen, sadexd xafladood oo waawayn oo iyagu lagu soo gabagabaynayay kuwii tirada badnaa ee socday todobaadkan oo dhan, waxa ay ka dhaceen Dugsiyada sare ee Roosevelt, Washburn iyo Edison.

Sida loo agaasimo xafladahan oo kale marka ay timaado in la qabto ayaan si aan caadi ahayn, tan imikana waxaaba usii dheeraa kuwii ka horeeyay ee sanadwalba oo lasoo dhaafay la qaban jiray, cidamadii amaanka oo meelwalba tubnaa ha ugu daraado Dugsiga sare ee Edison iyo weliba xataa dugisyadii sare ee aan tagay oo idil!.

Ardaydaii halkaa ku qalin jebinaysay ayaa indhahoodu farxad iyo bashabash buxiyeen, kuwan oo aad dareemi karto sida xooga badan ee ay ugu faraxsanaayeen marxalada ay  guuxaysa, ardayda Soomaaliyeed ayaa iyagu la odhan karaa waaba ay ka duwan yihiin ardayda dalkan ee ay isku dugsiga ka qalinjebinayeen! Waayo waxaa hor taala duruuf adag tan oo ay la gudboontahay in ay marka hore lafahooda ka talaabiyaan, kadibna usoo jeestaan sidii ay Ummadda Soomaaliyeed ee walaalahood ah oga talaabin lahaayeen.

Hadaba hadii aan isku dayo in aan guud maro sidii loo kala horeeyay ama loo kala darajo sareyay, aan iraahdo horta ardaydii Soomaaliyeed ee ka qalin jebiyay Dugisidaya sare ee gobolkan waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo arday, kuwan oo kala dhiganayay ilaa iyo 16toban ka mid ah dugisyada Sare ee Gobolkan Minnesota.sida runta ah halka ay kaga jiraan ardaydani bulshadan aanu la noolnahay ayaa ah mid aad u heersaraysa iyo weliba xiriirka labada beelood waa Maraykanka iyo Soomaalidee oo aad uu hagaagsan.

Roos 013.JPG (517073 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn 
Muuqaalka Sida yaabka badan u Dhisan University Of Minnesota.JPG (664722 bytes) Arday badan baa xiligan galaya University Of Minnesota
Pre 025.JPG (31821 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn
Roos 009.JPG (550595 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn 
Roos 014.JPG (547137 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn  
Roos 017.JPG (514539 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn
Roos 002.JPG (547498 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn
Shine,  Somali TV.JPG (531583 bytes) Shine. Somali TV
gjob2.JPG (400202 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn
Roos 003.JPG (453965 bytes) Eeg Sawirka oo Weyn 
Roos 004.JPG (493286 bytes) Eeg Sawirka oo Wayn
Hadaan tusaale u soo qaato Dugsiga sare ee edison 27kii arday ee ugu sareeyay dugsiga  oo dhan, ardayga labaad waxa uu ahaa:

    1. Abdicasiis Maxamed Cusman*

Waxaa kaloo soo raacay oo iyaguna isla kooxdan ku jiray

  1. Shucayb Maxamed Ibrahin*

  2. Ismaaciil Maxamed Ibraahin*

  3. Cabdisamad M. Musse

  4. Mustafe A. Artan*

Kuwan oo weliba qaar ka mid ahi ay ola jirtay in ay heleen sharafka “National Honor Society”.

Waxaa iyaguna jiray arday badan oo ku jiray kooxda labaad kuwan oo kala ahaa

  1. Liban Artan*

  2. Xasan Cumar Xaaji-Maxamuud*

  3. Foowzia Maxamed Xaaji

  4. Jibriil Macalin

  5. Maxamed Axmed Saalax

  6. Maxamed Cabdulaahi Sheekh

  7. Luul Xasan Sooyaan

  8. Nuuradiin Jibriil Yuusuf

Dugsiga Sare ee Roosevelt ayaa dadaal aan kaa ka yarayn muujiyay inkasta oo ay inbadana ka badan yihiin ardayda wax ka barata Dugsigan mid walba oo ka mid ah dugsiyada sare ee Gobolkan waa marka laga hadlayo ardayda Soomaaliyeed.

Maanta waxaa Tobonkii arday ee ugu sareeyay dugsiga ama helay waxa lagu magacaabay “Gold Cord” sadex ka mid ahi ay ahayeen Gabdho Soomaaliyeed, kuwan oo weliba qaar iyaga ka mid ah waa gabdhahaa Soomaaliyeede ay heleen “National Honor Society”., kuwan oo aan astaan oga dhigay “*”, Waxay kala yihiin.

  1. Anisa Cabdulqaadir Cilmi*

  2. Safiya Xirsi Warsame*

  3. Fowsiya Cabdil-Caziiz Yusuf

Ardaydii galay kooxda labaad qudhood waxaa ku jiray Arday Soomaaliyeed kuwan oo kala ahaa..

1. Qadro Cbadulaahi Cabdi
2. Farxiya Axmed Cabdulaahi
3. Mabruka Axmed Cabdulaahi
4. Muna Sheekh Abuu
5. Maxamed Cawil Cali
6. Maxamed Cusman Cali
7. Libaan Cabdi Caraale
8. Xaawa Axmed Xasan
9. Daahir Yusuf Hasan*
10. Basra abuubakar Jibriil*
11. Ibraahin Cabdulaahi Maxamed
12. Amal Maxamuud*
13. Said Cali Maxamuud
14. Sacdiya Cabdulqaadir Muumin
15. Mukhtaar Maxamed Muse
16. Saleebaan Maxamuud Cumar

Dadaal aan yarayn kadib Ilaahay waa uu u fududeeyay, halkii ay higsanayeenna waa ay gaareen Ilaa iyo imika, waxase ardaydu intooda badan ay iswaydiinayan ayaa ah maxaa xiga! Sidee baaynuse oga soo bixi karnaa Kuliyadaha waxbarashada Sare, tan oo ay u dheertahay sidii loogu gurman laha dadkii iyo dalkii aanu ka nimi ee ay bahaladu qaybsadeen.

Waalid salaamaya Macalimada Ubadkeeda  
Roos 019.JPG (584060 bytes) Eeg Sawirka oo Wayn
Sawirkan Waxaa ka Muuqda Cabdulqaadir Oo isagu ka socday Somali TV..JPG (362530 bytes) Eeg Sawirka oo Wayn
Siday dooniba ha noqotee xafladahaasu waxa ay ahaayeen kuwa aad loosoo qorsheeyay, ardayda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo hoyay guulo la taaban karo oo waawayn mar hadii ay ka gudbeen marxalado dhoowr ah oo runtii aad u adkaa.

Isla todobaadkan waxaan soo maray xaflad qalin jebin tii iigu yaabka badnayd ee aan xaadiro abidkay…Waxay ahady mid loo samaynayay Arday qudhoodu Soomaali ah..laakiin kuwii aan kasoo sheekeeyay kun iyo koow jeer ka yar yar…Qaybtii ay ka qalin jebinayeen ayaa ahayd Dugsiga kasii hooseeya xanaanada caruurta, xafladan oo runtii aan markii hore u malaynayay in loo qabanqaabiyay dad dugsiyo waawayn ka qalin jebinaya sida kan Sare, Jaamacadaha, IWM.

Waxaa iga yaabisay sida loo agaasimay xafladan..hadana waalid walba oo uu xil isaga saaray in uu kasoo qayn galo xafladaa loo samaynayay qalin jebinta ubadkiisa…caruurtan ayaa da’doodu u dhaxaysay 5 ilaa iyo 6jir, waxay u gudbeen xanaanada caruurta tan oo ay sanada dambe oga sii gudbi doonaan Fasalka Koowaad ee Dugsiga Hoose..

 Wargelintan waxa ay ku jeeda ardayda Sawiradoodu uu qoraalkan kusoo baxay, hadii aad jeclaan lahaydeen in aad heshaan Copy sawiradiina ah fadlan lasoo xidhiidh producer@tvs.com adiga oo soo sheegaya sawirkaaga Nambarkiisa, sawirkaaga nambarkiisana waxaad ku ogaan kartaa adiga oo dulsaara falaarta yar ee shaashada Computer-kaaga ka muuqata ama aad u adeegsato maamulka Computer-kaaga goorta aad isticmaalayso, kadibna waxaa sawirka dushiisa kaaga muuqanaya Astaanta ama nambarka uu sawirkaasi ku leeyahay SomaliTalk Memory Albums.ser, tan ayaa inoo fududaynaysa in aan si sahlan ku helno sawirkaaga kadibna aan kuusoo dirno.

Ugu dambayn waxa bahda SomaliTalk iyo dhamaan sahqaalaheeda jooga daafaha dunida oo dhan ay tahniyad u dirayaan dhamaan ardayda Soomaaliyeed meelwalba oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan kuwa maanta ka qalin jebiyay dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, hadii markaa ay noqon lahayd kuliyadaha waxbarashada sare, Jaamacadaha, Dugsiyada sare, Dhexe iyo weliba hoose. Waxaanu leenahay ku gaara sanadan teeda kale barwaaqo, bash bash, nolol wacan oo wanaagsan, cimri suuban oo cibaado eebbe lagu ladhay, iyo tan dambe waa aakhire oo aad heshaan tii qaboobayd Al-firdoows…Nabadeey.

 

 SheriffOsman
Minneapolis, Minnesota.

editor@somalitalk.com

Sidoo kale eeg Sannadkii 2001 iyo ardayada Som.Minnesota

June 20, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com


WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA

Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...   
GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN

Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN

Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 

Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka, oo kuyaal gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka halista ah ee kaadi-sonkorowgu, Taas oo dhakhtarku uu sheegay in ay sabab u tahay cuntada xayrtu kubadantahay ee cunto Ameerikaanka looyaqaan iyo iyada oo Soomaalidu aysan samayn jimicdiga jirka, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.