IQRA
WAXAY
U TIMI
IN AY
AADANUHU
BARTAAN.
Odayga Suugaanta Mudane Sangub.
Akhyaareey maalin Wanaagsan! Kani waa sheriifOsman! Barnamijkuna waa kii qalinjebinta! Waxaan galabta isu soo maray
xarumo badan kuwan oo ay ka qalin jebinayeen arday Soomaaliyeed oo farabadan
dugsiyada sare ee Dalkan Maraykanka gaar ahaan Gobolkan Minnesota, kan oo lagu
tilmaamo in uu yahay imika kan ugu badan ee ay Soomaalida degan dalkan
Maraykanku degan yihiin….
Soomaalida degan gobolkan ayaa lagu qiyaasaa
ilaa iyo sideetan kun oo qof oo Soomaali ah, Somaalida gobolkan ayaa si aan
caadi ahayn oga muuqata dhamaan xarumaha ay bulshawaynta gobolku ku kulanto,
hadii markaa ay noqon lahayd kuwa waxbarashada, shaqada, iyo weliba meelaha
markaa muhimada u leh dadka e waqtiyada hagaagsan lagu qaato sida Maktabadaha,
carwooyinka Iwm.
Dadka Soomaaliyeed ee Gobolkan ayaan marnaba
lagu eedayn karin sida ay qabaan dad badan oo reer Minnesota ah, haba yaraatee
wax dadaal xumo ama dhibaato ah tan oo ay u gaysteen dadka ay markaa Jaalka
yihiin ee Gobolkan ama hadii aan si guud u iraahdo Maraykanka oo idil, sidaasoo
kalaa dad badan oo iyaguna u dhashay dalkan Maraykanku sheegaan in ay Soomaalidu
yihiin dad aad iyo aad u firfircoon, xataa ay qaar badanu jeclaysteen in ay bal
Soomaalidu halka ay ka yimaadeen wax ka gartaan ama bartaan
Sidoo kale dad badan oo weliba Soomaali u
badan ayaa iswaydiiya sababta hadii ay Soomaalidu agab leeyihiin ay ugu dhacday
dhibaatada qarada wayn ee ku habsatay dalkooda, arintan ayaa gooni u ah in ay si
joogta ah isu waydiiyaan dadka iyagu u dhashay Soomaalida, taa waxaan marar
badan is iraahdaa aniga qudhaydu tanu shoow jawaab ma leh! Hadana mar kale is
iraahdaa sidaa ma ahane amaan inaga un isu darannahay oo dadka kale weliba
ajaanibtu ha u badnaadaane aan u roonnahay! Waa yartahay inta uu ruux Soomaali
ahi uu xumeeyo ama uu wax tari waayo xataa hadu arko isagii oo dhibaataysan rux ajnabi ah, walaalkiisa Soomaaliga ahna waxaa laga yaabaa in uu ku yiraahdo waar
waan ku diliye Ashahaado!…..
“Marna madaxayga waa ay geli waysay
Soomaalidu sida ay yihiin, marka laga akhriyo dhan walba, hadii ay noqon lahayd
dhaqanka iyo hidaha facawayn ee ay leeyihiin, ama sida ay isugu xidhan yihiin ee
ay qooys keliya u yihiin inta aysan jirin wax nafci, dhaqaale ama Jaah leh oo
dhexdooda yaala”. Sidan waxaa ku waramay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare
ee Roosevelt mar uu lahadlayay Ardayda Dugsiga oo doonayay in ay bal wax ka
ogaadan Dhaqanka Soomalida iyo sida ay u noolyihiin.
Waxba yuusan hadalku ila baxsane waxaa
dhawaanahanba socday xaflado gaagaaban kuwan oo loogu dabaal degayay
Qalinjebinta ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo Sare. Kuwan oo ay ardayda
Soomaaliyeed hormuud u ahaayeen mid ka mid ah sanadihii lasoo dhaafay kadib
markii Nagi Cabdulaahi Maxamed oo ardayad ka ahayd Dugsiga sare ee roosevelt ay
gashay qofka labaad ee Dugsiga oo dhan “Ardaydan oo kale ayaan lagu arag
labadii sano ee ugu dambaysay arday noocooda oo kale ah oo guushan oo kale usoo
hoya Jaaliyadaha ay ka yimaadeen, Al-xamdulilaahi waan ku farxsanahay dadaalkan,
welina kama daali doono in aan sii wadno dadaalka noocan amaba aan laba jibaarno
“Sidan waxaa ardayda edison kula hadlay Ayaan oo iyadu ardayad ka ah isla
dugsigaa.
Waxaan hadaba ka qayb galay mid ka mid ahayd
xafladahaa gaagaaban ee aan soo sheegay, tan oo lagu qabtay Dugsiga sare ee
Roosevelt, xafladan waxaa kasoo qayb galay macalimiin badan oo Dugsiyo kala
duwan ka socday, iyo weliba abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed
Cabdulaahi Sangub oo halkaa ka tiriyay gabayo isugu jiray guubaabo iyo ku
dhiirigelinta dhaliinyaraada cusub barashada Af-Soomaaliga.
Sangub oo aad loo jeclasytay gabayadiisaa ayaa
markeliya intuu labada dhinac dhugtay yiri “Horta yaanan iska burqanine ma I
fahmaysaan, oo waxaan ku hadlayaa ma idin gelayaan?”. Waxa kaloo uu waydiiyay
Sangub Ardaydii halkaa isugu timi su’aal la xidhiidhay Af-keena hooyo ee
qaniga ah, hadiise uu su’aashii soo jeediyay Sangub cid ka hoos qaaday ma
uusan helin tanoo buu yidhi igu dhalinaysa Niyadjab iyo welwel wayn oo aan u
qabo sidii aad u ilaalin lahaydeen dhaqankiina Suuban ee diinta laga miidhay.
Waxaa kaloo uu Sangub oga sheekeeyay
Dhaliinyardii halkaa isugu timi oo uu adeegsanayay goortii uu la hadlayay magaca
“TEENAGE”, dhaqan xumada uu qaar iyaga ka mid ah ku arkay goorta ay
magaalada u daadegaan, “Mid baad arki Quruxdeeda iyo sida Illaahay u qoray aad
la yaabto, oo calooshii dibada soo dhigtay, ama wejigeedii qurxoonaa biro iyo
qadhaabado ku xidhxidhay, war adeerayaaloow waxaasu waa ceeb ee inaga daaya”.
Mar uu kala hadlay ardaydaa arin la xidhiidha mustaqbalkooda waxa uu Sangub
yidhi “Hada waxaad dhamayseen waxbarashadii Dugsiga Sare, ogaada hada waxba ma
aydnaan baran. Waxbarashadii runta ahady hada ayay idiin bilaabanaysaa. Ha ka
tegina ee aada waxbarashada Kuliyadaha sare ee Dalka, hadii aydnaan sidaa
yeelina waa ay adkaan doontaa in aad noqotaan dad waxbartay, ama xataa haya
xoogaagii yaraa ee ay ka faa’iidaysteen Dugsiyada Sare. Qaarkiina isaga taga
ama kuwiina isaga tegi doona ee ku fekiraya in ay shaqaystaan, lacagta aad ku
hamiyayso mid ka bdan baad heli doontaa ee waxba ha degdegin wax baro iinshaa
allah, lacag samee oo guurso waa hamiga intiina badan ku jira, haday
dhaliinyarooy taasi dhacdo isku daya in aad Xajisaan oo aydnaan si fudud usii
daynin hoowshaa hagaagsan waa Guurka e’…Waayo beryahan dambe waxaad
maqasheen wax loogu yeeray SINGLE MOTHER! Waaban yaabaye Horta SINGLE MOTHER waa
maxay?…
Maaweelo waano iyo tusaalayn isugu jirtay
kadib ayaa lagu soo dhaweeyay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare ee
Roosevelt, Maamuluhu waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “Eray English ah oo uu
waydiiyay Ardayda. Eraygaas oo ay ardaydu macnayaal badan u sameeyeen, jiijiid
dheer oo eraygaa loo gaystay kadib waxaa la isku raacay in uu macnihiisu ahaa
wax ka baxsan waxa banii’aadamka awoodiisa ah, ama wax aan caadi ahay, “Waxaa
idin la hadlay dad ka waawayn in la tilmaamo, oo macalimiin leh, Suugaan yahanno
leh, nooc walba isugu jira, anigu sida runta ah Af-ka Soomaaliga kuma hadlo,
hadana aad baan ugu raaxaysanayay Suugaantii afkiisa ka deganaysay Mudane Sangub!
Mahadsanid Yaakhay Sangub!” Aad baa loola yaabay sida uu usoo boobay eraygaa
“Mahadsanid Yaakhay”, oo uu islamarkaana ugu soo daray Af-kii Ingiriisida ee
ku hadlayay!
Intaa kadib waxaa hadalkii la waregay qaar ka
mid ah dhaliinyarada Dugsiga dhigata oo
ardayda qalin jebinayay usoo diyaariyay
Shahaadooyin, kuwan oo ay kala jeedeen mahadnaq ku jeeda howlkarnimadii ay
muujiyeen mudadii ay dhiganayen Dugsiga Sare ee Roosevelt, waqtigaa oo ay
sheegeen ardaydii shahaadooyinkaa bixinayay in ay aad usaacideeyeen walaalahooda
Soomaaliyeed ee iyagu ku jira fasalada ka hooseeya kuwaa imika ay ka
qalinjebinayay.
Dhaliinyardii shahaadooyinkaa la siiyay waxaa
ka mid ah Saciido Anas, Sadiiq madaxa ardayda Soomaalida ee Roosevelt, Sulayman
Cumar, Cosob Maxamed, Fartuun Nuur iyo Khadra Cali.
Sidoo waxaa iyaguna halkaa shahaado sharaf
lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah maaclimiinta Dugsiga sare ee Roosevelt oo ugu
horeeyo Maamulaha dugsiga Mr.Mike Haerth, Maxamed Cusman, Xassan Aways,
Cabdulaahi Cilmi, Axmed Nuur, Khadiija Cilmi, Maxamed Cusman.
Halkaa waxa kaloo isaguna ka hadlay macalin
Maxamed Xassan, o u sheegay in ay tahay in ay Dhaliinyaradu waxbarato si markaa
ay mustaqbalka oga shaqeeyaan sidii ay u midayn lahaayeen beeshooda Soomaaliyeed
meelwalba oo ay joogaan, hadaladii uujeediyay oo ay xamaasadi ka muuqatay ayaa
ka mid ahaa “War adeerayaaloow wax hala barto oo halaga shaqeeyo sidii aad mid
keliya u noqon lahaydeen, waan filayaa kuwa badan oo idin ku jira in aan u
sheegay Sheekada Odaygii caruurtiisa oga sheekeeyay Midnimada qiimaha ay
leedahay, ee intuu Ulaha isku duubay ku yiri caruurtii jebiya, goortii ay jebin
waayeena, ugu dhiibay xabadxabad ilaa ay markii dambe u fududaatay in ay
xabadxabad u jebiyaan, adeerayaaloow midnimaduna waa ay adagtahay, kala taga iyo
tafaraaruqana waa baaba’eena ee inaga jira, daadala Ilaahayna ha idin la jiro!
waad mahadsantihiin.
Qaybihii dambe ee xafladahaa waxaa ay ka
dhacayeen dhamaan dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee gobolka, inkasta oo
dugisyada ay ugu badan yihiin Soomaalida un ay ahaayeen kuwii aan soo maray ama
aan xafladahooda ka qayb galay, hadana intaa waa ay ka badnaayeen ardaydii
Soomaaliyeed ee ka qalin jebinayay xarumaha waxbarshada ee gobolkan sida aan
horay usoo sheegayba.
Kuwii ugu badnaa ee aan xadiray waa
Qalinjebintii Ardayda Soomaaliyeede waxa ay ahaayeen, sadexd xafladood oo
waawayn oo iyagu lagu soo gabagabaynayay kuwii tirada badnaa ee socday
todobaadkan oo dhan, waxa ay ka dhaceen Dugsiyada sare ee Roosevelt, Washburn
iyo Edison.
Sida loo agaasimo xafladahan oo kale marka ay
timaado in la qabto ayaan si aan caadi ahayn, tan imikana waxaaba usii dheeraa
kuwii ka horeeyay ee sanadwalba oo lasoo dhaafay la qaban jiray, cidamadii
amaanka oo meelwalba tubnaa ha ugu daraado Dugsiga sare ee Edison iyo weliba
xataa dugisyadii sare ee aan tagay oo idil!.
Ardaydaii halkaa ku qalin jebinaysay ayaa
indhahoodu farxad iyo bashabash buxiyeen, kuwan oo aad dareemi karto sida xooga
badan ee ay ugu faraxsanaayeen marxalada ay
guuxaysa, ardayda Soomaaliyeed ayaa
iyagu la odhan karaa waaba ay ka duwan yihiin ardayda dalkan ee ay isku dugsiga
ka qalinjebinayeen! Waayo waxaa hor taala duruuf adag tan oo ay la gudboontahay
in ay marka hore lafahooda ka talaabiyaan, kadibna usoo jeestaan sidii ay
Ummadda Soomaaliyeed ee walaalahood ah oga talaabin lahaayeen.
Hadaba hadii aan isku dayo in aan guud maro
sidii loo kala horeeyay ama loo kala darajo sareyay, aan iraahdo horta ardaydii
Soomaaliyeed ee ka qalin jebiyay Dugisidaya sare ee gobolkan waxaa lagu qiyaasay
ilaa iyo 300 oo arday, kuwan oo kala dhiganayay ilaa iyo 16toban ka mid ah
dugisyada Sare ee Gobolkan Minnesota.sida runta ah halka ay kaga jiraan
ardaydani bulshadan aanu la noolnahay ayaa ah mid aad u heersaraysa iyo weliba
xiriirka labada beelood waa Maraykanka iyo Soomaalidee oo aad uu hagaagsan.
Hadaan tusaale u soo qaato Dugsiga sare ee
edison 27kii arday ee ugu sareeyay dugsiga oo dhan, ardayga labaad waxa uu ahaa:
1. Abdicasiis Maxamed Cusman*
Waxaa kaloo soo raacay oo iyaguna isla kooxdan
ku jiray
-
Shucayb Maxamed Ibrahin*
-
Ismaaciil Maxamed Ibraahin*
-
Cabdisamad M. Musse
-
Mustafe A. Artan*
Kuwan oo weliba qaar ka mid ahi ay ola jirtay
in ay heleen sharafka “National Honor Society”.
Waxaa iyaguna jiray arday badan oo ku jiray
kooxda labaad kuwan oo kala ahaa
-
Liban Artan*
-
Xasan Cumar Xaaji-Maxamuud*
-
Foowzia Maxamed Xaaji
-
Jibriil Macalin
-
Maxamed Axmed Saalax
-
Maxamed Cabdulaahi Sheekh
-
Luul Xasan Sooyaan
-
Nuuradiin Jibriil Yuusuf
Dugsiga Sare ee Roosevelt ayaa dadaal aan kaa ka
yarayn muujiyay inkasta oo ay inbadana ka badan yihiin ardayda wax ka barata
Dugsigan mid walba oo ka mid ah dugsiyada sare ee Gobolkan waa marka laga
hadlayo ardayda Soomaaliyeed.
Maanta waxaa Tobonkii arday ee ugu sareeyay
dugsiga ama helay waxa lagu magacaabay “Gold Cord” sadex ka mid ahi ay
ahayeen Gabdho Soomaaliyeed, kuwan oo weliba qaar iyaga ka mid ah waa gabdhahaa
Soomaaliyeede ay heleen “National Honor Society”., kuwan oo aan astaan oga
dhigay “*”, Waxay kala yihiin.
-
Anisa
Cabdulqaadir Cilmi*
-
Safiya Xirsi
Warsame*
-
Fowsiya Cabdil-Caziiz
Yusuf
Ardaydii galay kooxda labaad qudhood waxaa ku
jiray Arday Soomaaliyeed kuwan oo kala ahaa..
1. Qadro Cbadulaahi Cabdi
2. Farxiya Axmed Cabdulaahi
3. Mabruka Axmed Cabdulaahi
4. Muna Sheekh Abuu
5. Maxamed Cawil Cali
6. Maxamed Cusman Cali
7. Libaan Cabdi Caraale
8. Xaawa Axmed Xasan
9. Daahir Yusuf Hasan*
10. Basra abuubakar Jibriil*
11. Ibraahin Cabdulaahi Maxamed
12. Amal Maxamuud*
13. Said Cali Maxamuud
14. Sacdiya Cabdulqaadir Muumin
15. Mukhtaar Maxamed Muse
16. Saleebaan Maxamuud Cumar
Dadaal aan yarayn kadib Ilaahay waa uu u
fududeeyay, halkii ay higsanayeenna waa ay gaareen Ilaa iyo imika, waxase
ardaydu intooda badan ay iswaydiinayan ayaa ah maxaa xiga! Sidee baaynuse oga
soo bixi karnaa Kuliyadaha waxbarashada Sare, tan oo ay u dheertahay sidii loogu
gurman laha dadkii iyo dalkii aanu ka nimi ee ay bahaladu qaybsadeen.
Siday dooniba ha noqotee xafladahaasu waxa ay
ahaayeen kuwa aad loosoo qorsheeyay, ardayda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo
hoyay guulo la taaban karo oo waawayn mar hadii ay ka gudbeen marxalado dhoowr
ah oo runtii aad u adkaa.
Isla todobaadkan waxaan soo maray xaflad qalin
jebin tii iigu yaabka badnayd ee aan xaadiro abidkay…Waxay ahady mid loo
samaynayay Arday qudhoodu Soomaali ah..laakiin kuwii aan kasoo sheekeeyay kun
iyo koow jeer ka yar yar…Qaybtii ay ka qalin jebinayeen ayaa ahayd Dugsiga
kasii hooseeya xanaanada caruurta, xafladan oo runtii aan markii hore u
malaynayay in loo qabanqaabiyay dad dugsiyo waawayn ka qalin jebinaya sida kan
Sare, Jaamacadaha, IWM.
Waxaa iga yaabisay sida loo agaasimay
xafladan..hadana waalid walba oo uu xil isaga saaray in uu kasoo qayn galo
xafladaa loo samaynayay qalin jebinta ubadkiisa…caruurtan ayaa da’doodu u
dhaxaysay 5 ilaa iyo 6jir, waxay u gudbeen xanaanada caruurta tan oo ay sanada
dambe oga sii gudbi doonaan Fasalka Koowaad ee Dugsiga Hoose..
Wargelintan
waxa ay ku jeeda ardayda Sawiradoodu uu qoraalkan kusoo baxay, hadii aad jeclaan
lahaydeen in aad heshaan Copy sawiradiina ah fadlan lasoo xidhiidh producer@tvs.com
adiga oo soo sheegaya
sawirkaaga Nambarkiisa, sawirkaaga nambarkiisana waxaad ku ogaan kartaa adiga oo
dulsaara falaarta yar ee shaashada Computer-kaaga ka muuqata ama aad u adeegsato
maamulka Computer-kaaga goorta aad isticmaalayso, kadibna waxaa sawirka dushiisa
kaaga muuqanaya Astaanta ama nambarka uu sawirkaasi ku leeyahay SomaliTalk
Memory Albums.ser, tan ayaa inoo fududaynaysa in aan si sahlan ku helno
sawirkaaga kadibna aan kuusoo dirno.
Ugu dambayn waxa bahda SomaliTalk iyo dhamaan
sahqaalaheeda jooga daafaha dunida oo dhan ay tahniyad u dirayaan dhamaan
ardayda Soomaaliyeed meelwalba oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan kuwa maanta
ka qalin jebiyay dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, hadii markaa ay
noqon lahayd kuliyadaha waxbarashada sare, Jaamacadaha, Dugsiyada sare, Dhexe
iyo weliba hoose. Waxaanu leenahay ku gaara sanadan teeda kale barwaaqo, bash
bash, nolol wacan oo wanaagsan, cimri suuban oo cibaado eebbe lagu ladhay, iyo
tan dambe waa aakhire oo aad heshaan tii qaboobayd Al-firdoows…Nabadeey.
SheriffOsman Minneapolis, Minnesota. editor@somalitalk.com
Sidoo
kale eeg Sannadkii 2001 iyo ardayada Som.Minnesota
June 20, 2002 | Xuquuqda
Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com
WARBIXINADII HORE
EE SOOMAALIDA MINNESOTA
Ardayda
Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo Ardayda Soomaalidu
heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...
GUJI.HALKAN
Gabdhaha
Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka
gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul
kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN
Shirweynihii
Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu
tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN
AF-SOOMAALIGA OO QARKA
USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi
Cabdulaahi Maxamed,
Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN
Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN
SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA:
Karameel waa suuq aad uweyn oo
ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo
booqo maanta
HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA
Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka, oo kuyaal
gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka halista
ah ee kaadi-sonkorowgu, Taas oo dhakhtarku uu sheegay in ay sabab u tahay
cuntada xayrtu kubadantahay ee cunto Ameerikaanka looyaqaan iyo iyada oo
Soomaalidu aysan samayn jimicdiga jirka, warbixintaas
iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....
|